U bood dhigaalka

Muqdisho: Aabe 80 Jir ah oo Wiilkiisa Nafta Dhaafiyay

Wararka naga soo gaarayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Aabe uu halkaas ku dilay wiil uu dhalay, kaas oo la sheegay inuu qabay baahiyaha gaarka ah sida ay wararku sheegayaan.

Dilka ayaa yimid kadib markii aabaha oo magaciisa lagu sheegay Qadar Totoxob, waxaana uu dilay wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Qadar Toxob uu muran soo kale dhexgalay oo dilka sababtay.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid siweyn looga argagaxay degmada waxaana dadka intooda badan ay sheegeen in wiilka baahiyaha gaarka ah waxaana la tilmaamay inuu ahaa cuuryaan sida la sheegay qoriga dilka lagu geystay ayaa ahaa AK47.

Qoriga laga riday xabadda ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa nin la dhashay aabaha dilka u geystay wiilka oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir arrintaan ayaa argagax abuurtay

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sanadkaan bilowga ah ee 2024 waxaa ka dhacay dhowr dhacdo oo argagax lahaa, kuwaas oo siweyn looga dareemay caasimadda magaalada Muqdisho.