U bood dhigaalka

Askar Ku Eedeysan Dilka Taliyahooda oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda  Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka billaabawday dhageysi dacwadda eedeysanayaal loo iney dil u geysteen Taliye Labo Xiddigle Mustaf Nuur Suudi oo ka dhacay deegaanka Laasgacameey iyo askar loo heysto in ay kasoo baxeen furimo dagaal ee Mudug.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhankiisa codsaday in Askarta kuwa sida gaarka ah ugu eedaysan Dilka Taliye Labo Xiddigle Mustaf Nuur Suudi lagu xukumo Dil toogasho ah halka kuwa kale xabsi la dhigo maadaama goobtii lagu ogaa ay isaga baxeen bilaa fasax furimaha dagaal.

Qareennada difaacaya dhinaca kale Askarta Maxkamadda lasoo taagay ayaa sheegay in aanay jirin qodob culus oo qabanaya mar haddii wax ka yar 24 saac ay ka maqnaayeen furinta ama goobtii ay fariisinta u aheyd sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in aanay loo adeegsadan qodobka 131aad ee xeerka maxkamadda ciidamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa isagu sheegay in go’aanka dib laga soosaari doonno maxkamaddana ay dhagaysatay marqaatiyaal, eedda ku aadan xafiiska Xeer Ilaalinta iyo difaaca Qareennada askarta ku eedeysan in ay dileen taliyahooda.