U bood dhigaalka

Hey’adaha Ammaanka  oo Sheegtay in Lasoo Afjaray Weerarkii Lagu Qaaday Hotelka SYL

Ciidamada ammaanka dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuleystay soo afjaridda weerarkii lagu qaaday hotelka SYL oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Madaxtooyada.

Totelka ayaa waxaa weerar ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab habeenimadii xalay afurkii kadib, iayaga oo muddo ka dhex dagaalamayay gudaha hotelka sida wararku sheegayaan.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wallow dowladdu aysan wali shaacin tirade guud ee khasaare, laakiin lagu guuleystay in la toogto kooxdii gashay.