U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Soomalaiyeed oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Rasmiga Ee Weerarka SYL Hotel

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabatay gudaha SYL Hotel ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday xalay, kaas oo sababay khasaare kale duwan oo naf iyo maal isugu jira marka la eego.

Col.Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay inay halkaas ku geeriyoodeen  3 askari oo ka tirsan ciidamada Ammaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, isagoo intaa ku daray in 3 Xildhibaan uu soo gaaray dhaawac fudud kuwaas oo hadda shaqooyinkooda caadiga ah ku laabtay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col.Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in lagu guuleystay ciidamada amniga ay toogteen dhammaan kooxdii  soo weerartay Hoteel SYL, kuwaas oo ahaa 5 ruux ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana uu hadalkiisa siiraaciyay in ay socdaan baaritaanno ku saabsan sababta ay kusoo gaareen halkaasi.