U bood dhigaalka

Rag Ku Eedeysan Hub ay Gacangaliyeen Al-shaabaab oo Kismaayo Markamad Lagu Soo Taagay

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Cabdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran, isla markaana ay la goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd dowladda Jubbaland ayaa maanta la horgeeyey Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdullaahi Maxamed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland ku soo eedeeyay in ay Al-shabaab u gacan galiyeen gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay Al-shabaab, iyaga oo aaminsanaa in ay ka heli doonaan dhaqaale badan, balse waxay ku dhaceen dhagartii lagu yaqiinay Al-shabaab, waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ marka ay Al-shabaab gaariga iyo qoriga u geeyaan.

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa loo heystaa in Khawaarijta uu u gacan galiyey qori BKM ama Dabajeex, kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadibna u hayaamay gobolka Baay, gaar ahaana magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka hayeeshee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta ayaa lagu doo dhigay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay Al-shabaab ka iibsadeen.