U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Wada Ka Doostista Cutubka 4-aad Ee Dastuurka KMG

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku-xigeennada Lbada Aqal ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 28-aad ee wadajirka ah ee Labada Golle ee BJFS.

Kulanka maanta ayaa looga dooday madaxyada 3aad iyo 4aad oo ka hadlaya maamulka doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyadda nooca ay noqon lahaayeen, kuwaas oo ay ku jiraan Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo kulanka maanta soo xiray ayaa sheegay in maalinta Sabtida laisku yimaado, si loo gabagabeyo dooda Cutubka Afaraad, waxaana la filayaa in dhowaan lasoo gabagabeeyo ka doodista cutubkaan.