U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Wali Siiwada Ka Doodista iyo Waxkabedelka Cutubka 4-aad Ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta la filayaa inay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaga hadlay ka doodista waxka bedelka Dastuurka dalka.

Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro Maanta oo Arbaco ah kulanka wadajirka ah ee Xildhibaannada labada Aqal, Ajanaha kulankuna uu yahay, dib u eegista Dastuurka Marxaladda 2-aad sii wadistaa ka dooddista waxkabadalka Dastuurka Cutubka 4-aad Matalaadda Shacabka, Doorashooyinka.

Madaxa 1aad ilaa Madaxa 4aad Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala argti duwan qodobada wax looga bedelayo Dastuurka, waxaana badi ay sheegeen in dastuurkaan uu yahay mid cusub aysan macquul aheyn in la ansixiyo halka qaarkood ay doonayaan in la meel mariyo.

Xildhibaannada labada aqal ayaa lagu wadaa inta aan fasaxa la galin in ay u codeeyaan waxkabedelka Cutubyada 1-aad -4-aad ee Dastuurka oo lasoo wada eegay lagana dooday, waxaana muuqata in siweyn Baarlamaanku isugu howlay dhameystirka.