U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Maanta Soo Gabagabeeyay Ka Doodista iyo Waxkabedelka Cutubka 4-aad Ee Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada-labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira Cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna halkaasi Xidhibaannada ay aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka Xil. Xuseen Iidow oo dooda ka dib ka hadlay soojeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagay qodobadii ay aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada ee Baarlamaanka 11aad, isagoona sharxay qodobada iyo faqradooda, waxaana 40 cisho kadib soo gabagaboobay kadoostiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Avv Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in dooda cutubka 4-aad uu inta ku egyahay, isla-markaana Guddiga Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in dhowaan  la ansixiyo inta aan la aadin fasaxa Baarlamaanka.