U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday Caasimadda Moscow iyo Kooxda Daacish oo Sheegatay Mas’uuliyadda.

Weerar lagu qaaday magaalada Moscow ee caasimaddaa dalka Ruushka ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 60 ruux, halka in ka badan 145 kalana ku dhaawacmeen, kaddib markii ay rag hubeysan ay rasaas ku fureen Shiniimo.


Weerarkaan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo sannadki 2004-tii, ayay dableyda weerarka geysatay si aan kala sooc laheyn rasaas ugu furtay dadki ku sugnaa hoolka ruwaayadaha ee degmada Crocus oo inyar dhanka galbeed uga beegan xarunta ah dalka ee Moscow.


Muuqaallo argagax leg oo laga soo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad ku gabanaya kuraasta taallay hoolka, iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada howlka iyo kuwo aanan dhaqaaq laheyn oo dhex jiifa dhiigga, weerarkaan ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacish.


Aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Kremilin ayaa sheegay, in warka ku saabsan weerarka la gaarsiiyay madaxweynaha, iyo madaxa ciidanka ammaanka federaalka Alexander Bortnikov, waxaana siweyn u socda baaritaanno ay wadaan ciidanka, taas oo looga golleeyahay sidii loo heli lahaa kooxdii hubeysneyd.


Weerarkan ayaa imanaya laba todobaad kaddib marki ay safaaradda Mareykanka ee Ruushka ka digtay, suurtagalnimada weerar ay Moscow u geystaan kooxo argagixiso ah, Ruushka ayaa dhankiisa Washinton ku eedeeyay qataro amnio o ka dhan ah Ruushka, madaxweyne Puntin ayaa amray baaritaanno hor leh.