U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Qorsheynaya in Howlgal ay Kusoo Furtaan Markab Gacanta Ugu Jira Bucad Badeedda Soomaalida

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Midowga Yurub ama EUNAVFOR ayaa loo diray inuu si gaar ah isha ugu hayo markabka MV Abdullah, oo ah markab xamuul ah, kaas oo ka babanaayay calanka Bangladesh, isagoo ay afduubteen burcadbadeed Soomaaliyeed, shaqaalihii la socdayna ay qafaasheen.

Hawlgalkaan  ayaa qayb ka ah howlgalka EUNAVFOR ee la dagaalanka burcad-badeedda, Hawlgalka Atalanta. Warka ku saabsan soo dejinta markabka dagaalka ayaa lagu dhawaaqay X saacadu markay ahayd 12:30 subaxnimo ee jimcaha, sida laga soo xigtay shirkaddii gacanta ku haysay Markabka MV.

Muuqaal lagu dhajiyay gacanta EUNAVFOR’s X-ga rasmiga ah ayaa muujinaya markabka dagaalka oo u dhow markabka MV Abdullah, waxaana sidoo kale la arkayay diyaarad helikobter ah oo dul heehaabeysa markabka la afduubtay, waxaana muuqata in midowga Yurub ay doonayaan in ay soo furtaan Markabka.

EUNAVFOR, oo ku dadaalaysa inay ka ilaaliso maraakiibta ku sugan xeebaha Bariga Afrika ee burcad badeedda, ayaa intaa ku dartay inay si gaar ah isha ugu haysay markabka Buk Carrier MV Abdullah, tan iyo markii ay ka afduubteen 12-kii March meel aan ka fogeyn Muqdisho iyagoo ku haya Xeebaha Nugaal.

Ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa qoraal kale ku sheegay in dhacdooyin inta abadan ee burcad badeednimo ah oo loo geystay maraakiibta xamuulka ah la soo sheegay tan iyo dhammaadka 2023. Saddex markab oo ganacsi oo ay dhawaan af-duubteen, MV Abdullah ayaa ahaa kii ugu dambeeyay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, booliska Puntland ee Soomaaliya iyo ciidamada badda caalamiga ah ayaa doonayey inay sameeyaan hawlgal ay ku soo furteen markabka iyo shaqaalihii lasoo qafaashay; Si kastaba ha ahaatee Midowga Yurub ayaa doonaya in howlgal ay kusoo furtaan Markabka.