U bood dhigaalka

Senator Ka Tirsanaa Aqalka Sare oo Mareykanka Ku Geeriyooday iyo Madxada Dalka oo Ka Tacsiyeysay

Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa golaha aqalka saree e Baarlamaanka 11-aad ayaa ku geeriyoodey Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, Allah unaxariistee Marxuumka ayaa halkaa ku sugnaa muddooyinkii dame, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda ugu sareysa dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Sanatar Cabdirisaaq Cismaan Xareed, isagoo allah uga baryay naxariistii Jannatul Fardowsa inuu siiyo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri” Alle ha u naxariistee marxuumka oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janno, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, golihii uu xubinta ka ahaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.”

“Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS, Sanatarrada, Maamulka iyo howl wadeennada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa Senatorrada Aqalka Sare kaasoo ku geeriyooday Dalka Maraykanka oo uu waayadan dambe ku xanuunsanaa, waxayna marxuumka Alle u waydiinayaan in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu naga wada siiyo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoonka Golaha Aqalka sare.

Alle ha u naxariistee Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed  ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaayay Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka, waxaana geeriodiisa siweyn uga tacsiyeyay dhammaan madaxda dalka iyagoo Allah naxariistiisa uga baryay inuu siiyo.