U bood dhigaalka

Kahor Bandhigga  Aragtida Dadweyne iyo u Codeynta Baarlamaanka, Akhriso Heerarka ay Soo Mareen  Doodaha Cutubtada 1-4aad ee Dastuurka KMG ah

Waxaa Sabtidii oo uu dhacay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS, kuna beegnayd  23-kii bishan laasoo gabogabeeyay doodda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira Cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Talaabadan keliya kama dhignayd gebogabada doodda xildhibaannada ee Wax kavedelka Cutubta 4-aad ee Dastuurka, ee waxaa ay sidoo kale daahxir u tahay soo afjarista doodaha 4-ta cutub ee ugu horeeysa Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo guddoominayay shirka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga lagu gobogabeeyay cutubka 4-aad ayaa sheegay in Guddiyada Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada.

Labada guddi ee kala ah Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka  oo howlo fiican ka hayay inta ay kulamad socdeen, iyada oo guddiga hore guddoomiyahooda Xil. Xuseen Iidow oo doodda ka dib ka hadlayey soojeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagayay qodobadii ay  aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada  ee Baarlamaanka 11aad halka Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka  Avv Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka iyo howlihii kale ee socday.

Haddaba Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Doodaha Cutubyada 1-4aad ee Dastuurka KMG ah:

February 12, 2024 ayaa la sameeyay markii ugu horreysay “Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga”, iyada oo intaa kadib si toos ah loo bilaabay doodaha cutubyada kowaad ilaa afaraad.

February 14, 2024, waxaa la bilaabay doodaha, CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda• QODOBKA 1aad ilaa 9-aad, waxaa ka mid ah maqaamka Caasimadda Muqdisho, Ilaalinta dhulka, hawada iyo badda Soomaaliyeed, Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed (30%) Boqolkiiba Soddon, sareynta sharciga, ku dhaqanka Diinta Islaamka, luuqada rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jinsiyada Muwaadinka iyo kan aan muwaadinka aheyn.

Doodda cutubka koowaad waxaa lasoo gabogabeeyay February 20 kadib markii Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

February 14, 2024, waxaa kulanka 17aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la bilaabay doodaha soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2aad oo la xiriira xuquuqda aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Qodobada 10-aad ilaa 20-aad.

Cutubkan oo ka hadla Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed ayey xildhibaannada aragtidooda ka dhiibteen, kana doodeen sharci darada soo ridida caruurta uurka ku jira, xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.

Waxaa kale oo March 2, 2024 bilowday doodda Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 31-aad-41-aad sida xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda Eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen Isucelinta Eedeysanayaasha iyo Danbiilayaasha isla markaana waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen sixidda Ku-xadgudubka xaquuqda Aadanaha iwm.

March 6, 2024, kulanka 22-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la bilaabay ka doodista Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka,Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad, waxaana la is dul istaagay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

March 11, 2024, kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa la bilaabay kadoodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo ka kooban  afar madax ayaa looga dooday madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka, madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka, kuwaas oo lasoo gabogabeeyay howsha aragtiyada 29-ka bishan.

3 Arrin Xusid Mudan:

Waxaa xusid mudan in aan is dul istaagno arrimo kale oo aan diiwaangelinnay in ay socdeen doodahan kala duwan sida:

(1). Guud ahaan doodad afarta cutub ilaa 500 oo jeer ayey hadleen xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo soojeedinnada ay sameeyeen ay la wareegeen Labada guddi ee kala ah Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka kuwaas oo qabsaday in ay nuqulka wax ku darista ah kusoo gudbin doonaan muddo todobaad ah.

(2). Haatan oo lasoo afjaray ka doodista cutubyada, lana sugayo guddiyada Dastuurka, waxaa barbar socday afti ama latashiyo dadweynaha Soomaaliyeed loogu yeelay aragti uruurin, iyada oo la isticmaalayay mareegta www.icric.gov.som

Arrimaha artidada dadweyne ku jiray ee la kala dooranayay waxaa ka mid ahaa; Maqaamka Caasimadda oo lahaa 3 doorasho sida;  in caasimadda ay maamul goboleed ku dhextaal, in caasimad keliya noqoto ama laga raro halka ay hadda ku taalo, Qoondada haweenka in 30%  loo xiro ama la furo oo ay tartamaan, waxaa kale oo ku jiray in Soomaalia dal Islaam ah, Soomaaliya waa Jamhuuriyad, Soomalaiya dalka, diinta iyo dowladda ayaa islaam ah, waxaa kale oo dadweynaha si danabeysan ugu codeeyaan, kalana doorteen nidaamka doorasho mid baarlamaani ama in madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa toos loo dooranayo, waxaa ku jiray da’da qaangaarka ma 15 sano miyey noqon, 15 inuu qaangaaro uuna mas’uul ku noqonayo 18 sano iyo qaar kale.

(3). Ugu dambeyntii, Waxaa lagu wadaa in nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka oo lagu soo daray soojeedinnadii kasoo baxday doodihii xildhibaannada, oo ay wehliyaan aragtiyada laga soo aruuriyay dadweynaha kadib, madal loo qabto in ay Baarlamaanka labadii aqal u codeeyaan qodobbada ku jiray Cutubyadaasi.