U bood dhigaalka

Guddiga Lasocodka Dastuurka oo Lagu Wareejiyay Nuqullada Cutubyadii Dib u Eegista Lagu Sameeyay

Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26, Maarso 2024, Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kala wareegay nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax ka beddelka Dastuurka oo ay kusoo dhafeen aragtiyihii iyo fikradihii xildhibaanada labada Aqal ka dhiibteen intii lagu guda jiray doodda marxalada labaad.

Guddiga La-socodka ayaa ka gudan doona waajibaadkooda soona diyaarinaya nuqulka u gudbaya marxaladda sadexaad ee codeynta iyo ansixinta soojeedimaha wax-ka-bedelka Dastuurka, waxaana lagu wadaa in maalinta barrio o Arbaco ah Baarlamaanka labadiisa gole ay cod u qaadaan cutubyada 1-aad- Cutubka 4-aad  oo lasoo gabagabeeyay dib u eegis iyo waxkabedelka lagu sameeyay Dastuurka.