U bood dhigaalka

Vinicius Jr oo Shaaciyay Cunsirimada Lagu Sameeyay Inuu Kaga Tagi Karo Horyaalka Spain

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Brazil iyo kooxda Real Madrid Vinicius Jr ayaa sheegay inuu ku dareemayo “xanuun”  inuu ciyaaro kubada cagta sababtoo ah cunsuriyada soo noqnoqda ee uu la kulmay, taas uu sheegay iney hoos u dhigi karto mustaqbalkiisa ciyaarta ee kubadda cagta.

Xilli ciyaareedkii hore waxaa jiray 10 dhacdo oo noocan oo kale ah oo ka dhan ah 23 jirkan oo uu u gudbiyay dacwad oogayaasha La Liga, waxaana markaan dhacday xaalad adag isagoo ku jiray gudashada waajibaadka xulkiisa ciyaarta xulalka oo lagu maqan yahay todobaadyadaan socda.

“Waan joogi doonaa sababtoo ah sidaas ayay cunsuriyiintu u sii wadi karaan inay arkaan wejigayga si aad u badan. Waxaan ahay ciyaaryahan geesi ah, waxaan u ciyaaraa Real Madrid, waxaana ku guuleysanay koobab badan, taasna uma cuntameyso dad badan” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayuu kusii daray ” Brazil ayaa wajaheysa Spain kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona garoonka Madrid ee Santiago Bernabéu, taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah cunsuriyadda iyadoo halkudhiggiisu yahay “Hal Harag” xilli indhihiisa ay ka socotay ilmo badan Vinicius Jr.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo qiiro leh Isniintii, Vinicius wuxuu intaas ku daray inaan lagu qasbi doonin inuu ka tago Real Madrid iyo Spain ama uu u ogolaado cunsurinimada taas oo uu ku tilmamay iney hor istaageyso inuu guuleysto, arrintaan ayaa noqotay mid isaga dhaawacday.

“Nasiib darrose waxaa jira dad u aaday kubbadda cagta waxay u muuqataa inay iska daayaan dhammaan cadhadooda, xanaaqooda. Marka ay u muuqato in ay qof dhaawacayso, waxay sameeyaan wax badan oo waa naxariis. Dadka noocaan ah waa inaan loo ogolaanin” ayuu yiri.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Brazil iyo kooxda Real Madrid Vinicius Jr ayaa kusoo aadaya xilli uu aad uga walaacsan yahay ciyaarta caawa xulkiisa uu la ciyaarayo Spain oo halka uu kasoo gaaray xanuunka uu tirsanayo, dad badan ayaa kula taliyay inuu lamid noqto Ronadinihii loowada istagay.