U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay 4-ta Cutub Ee Ugu Horeysa Dastuurka KMG ah

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka dalka, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyey afarta cutub.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah, ma jirin cid diiday ama ka aamustay ansixinta.

February 12, 2024 ayaa la sameeyay markii ugu horreysay “Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga”, iyada oo intaa kadib si toos ah loo bilaabay doodaha cutubyada kowaad ilaa afaraad, kuwaas oo waxkabedelka iyo kaabis intaba lagu sameeyay.

March 11, 2024, kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa la bilaabay kadoodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka, 23-kii March Xildhibaannada ayaa soo gabagabeeyay ka doodista 1-aad ilaa 4-aad iyo waxkabedelkiisa.

Xildhibannada ayaa gali doona fasaxa, waxaa soo laabashadooda lagu wadaa in ay guda galaan 4-ta kale ee xigta ee 5-aad-8-aad ee Dastuurka, waxaana muuqata sida Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ay uga go’an tahay dhammeystirka iyo waxkabedelka Dastuurka, kaas oo aan helin ka shaqeyn toos ah tan iyo 2012-kii.