U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Taliyaha Cusub ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo xilka kala wareegaya taliyihii hore ee hey’adda Mahad Maxamed Salaad oo xilkaan hayay tan iyo May 2022.

Taliye Sanbaloolshe ayaa xilkaan qabanaya markii sedexaad, waxaana lagu tilmaamaa mas’uul wax badan ka og khibradna u leh hey’adaha amniga oo muddo kusoo jiray, ka hor inta uusan noqon xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya March 2022.

Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda la wadaageysaa Taariikh nololeedka Taliye Sanbaloolshe.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaa uu ku dhashay Buulobarde 1968-dii. Dhanka Waxbarashada waxaa uu ka qalinjabiyay Jamacadda Oxoford isagoo oo bartay diblomaasiyadda iyo globol governance, waxaa uu sidoo kale MPA ka qaaday jaamacadda Mareykanka ee ku taallo magaalada Nairobi ee USIU, waxaana intiisa badan uu ka shaqeeyay amniga.

2011-2012-kii, waxaa uu dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif ka noqday wasiirka amniga kadib markii uu geeriyooday Col. Cumar Xashi Adan, kaas oo ku geeriyooday qarax ay Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Baladweyne oo markaas laga saaray.

2013/2014: waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska, 2014-kii, dowladda xilligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddo 2 bil ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA, waxaana muddo kooban uu xilkaas hayay kadib loo magacaabay safiirka Soomalaiya ee Turkiga uu  xillkaas hayay 2015- 2016-kii.

Taliye Sanbaloolshe ayaa kasoo muuqday golaha wasiirro uu soo magacaabayey Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, kahor inta aan mar kale loo magacaabin Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA, Waxaana muddo uu kusoo jiray arrimaha amniga oo uu ka shaqeynayay inta aan lagu badalin Fahad.

2022kii dabayaaqadeedii markii uu qarxay ka dhanka ahaa Shabaab waxaa uu qeyb ka ahaa xildhibaannadii furimaha kula sugnaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana lagu xasuustaa hadal adeygiisa ku aadanaa dagaalka Al-shabaab iyo sida uu ugu dhiirinayay inaan dib looga laaban oo dalka laga wada xoreeyo.

Maanta oo taariikhdu tahay 4-ta April 2024 ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo markii sedexaad uu hoggaaminayo hey’addaan kadib markii uu xilka laba sano soo hayay mudane Mahad Maxamed Salaad.