U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Dil ah Ku Ridday Saraakiil Booliis ah oo Ka Tirsan Degmada Hilwa

Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Hilwaa, kabtan Police ka tirsan iyo Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo la shaqeynaayey taliyaha

Waana qasaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa ciidan, kana saartay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min  10-Sano oo xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Rafcaan waa furan yahay sida lagu sheegay bayaanka maxkamadda soo baxay dhinacyada xukunka lagu riday kaas oo ku eg muddo 30 cisho gudahood ah, dhacdadaan lagu dilaya ganacsade ayaa noqotay mid aad bulshada u hadalheysay.