U bood dhigaalka

Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciyaariyankii Kooxda Horseed oo Geeriyooday

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday Allah unaxariistee Maxamed Cismaan Maye oo loo yaqiin Skoot oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii hore ee dalka, una soo ciyaaray Kooxda Kubadda Cagta Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa  wuxuu muddooyinkii dambe kaalin weyn uga jirey horumarinta kubbadda cagta dalka Soomaaliya, asagoo soo layliyey kooxo badan gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo hadda ka mid ah heerarka kala duwan ee kubadda cagta dalka qeybihiisa.

Macallin Maxamed Cismaan Maye Skoot wuxuu soo noqday tababaraha xulka Kubadda Cagyarta Soomaaliya (Somali Mini-football coach), waxaana lagu xasuustaa magacii uu ka soo hooyey tartankii Dugsiyada Carabta ee Jeem Cup oo 2016 lagu qabtay Qatar.