U bood dhigaalka

Kooxda Bayer Leverkusen oo 120 Sano Kadib Ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga Ee Jarmalka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyey ee waddanka Germany ahna koobkii saddexaad ee abid ay kooxdaasi qaaddo, inkasta oo ay jirtay 120 sannadood, taas oo siweyn looga mahadcelinayo macalinka reer Havi Alonso, kaas oo kooxdaan ka dhigay mid tartabta.

Leverkusen ayaa guusheedu ay noqotay mid taariikhda gashay, waxaanay horyaalka qaadday iyadoon marnaba la kulmin wax guul-darro ah xilli-ciyaareedkan oo dhan dhamaan tartamada isla markaana 16 dhibcood oo nadiif ah ka horreysa Bayern Munich oo kaalinta labaad ee kala-sareynta horyaalka dalkaas.

Kooxda kubadda gacta ee Bayer Munich ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si xirir ah u qaadaysay  12 sano, laga soo bilaabayo 2011, waxaana markaan ay noqonaysaa mid taariikh u gashay kooxda ay isku magaalada kawada dhisan yihiin Bayer Leverkusen, taas oo koobka u dabaaldegtay bilaa guul darro ah.

Kooxda tababare Xabi Alonso ayaa 5-0 ku xasuuqday Werder Bremen oo marti ugu ahayd Bay Arena Stadium, halkaas oo markii ay ciyaartu dhamaatayna ay gudaha usoo wada galeen taageereyaashu oo ay si weyn ugula dabbaal-dageen ciyaartoyda kooxdooda iyo Xabi Alonso oo taariikh u dhigay kooxdaan.

Magaalada Leverkusen oo ay ku nool yihiin dad tiradoodu ka yar tahay 170,000 qof, ayaa xanuun badan oo guul-darro oo haysatay maanta soo afjartay, waxaanay sidoo kale soo gunaanadday 11 sannadood oo ay Bayern Munich si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Bundesliga, laakiin lasoo gabagabeeyay.

Horyaalka Bundesliga ayaa waxaa la qiyaasayaa in kooxda Bayer Leverkusen ay sii wadan karto guulaha ay ka gaareyso horyaalka, xilli magalinkooda uu dhowaan shaaciyay in uusiijoogi doono kooxda uu dib u dhisay, taas oo 120 sano kadib ku guuleysatay horyaalka dalka Jarmarka Bundesliga oo taariikhda galay.