U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo Qaablay Oradyahanka Soomaaliyeed ee Cabdullaahi Jaamac

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah orodyahan Soomaaliyeed, kaasoo guul kasoo hooyey tartanka orodka 5000 kulankiis 13-aad ee ciyaaraha dalalka Afrika isagoo kusoo guuleystay Abaalmarin.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumqdda Soomaaliya ayaa iyana goob joog ka ahaa qaabilaadda Ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya u sameeywy Orodyahan Cabdullaahi Jaamac.

Ra’iisulwasaare xigeenka ayaa orodyahanka ku bogaadiyey guusha uu kasoo hooyey tartanka iyo kaalinta muuqata ee uu dadka iyo dalka Soomaaliyeedba ku matalayay intii ay ciyaaruhu socdeen.