U bood dhigaalka

Akhrisho: AJandaha Looga Hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Madaxweynu Islaamiyay

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo shirka Wadatashiga Qara nee u dhaxeeya madaxda, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana loogu baaqay madaxweynaha Puntland inuu kasoo qeyb galo shirka oo ka maqanaa kulamadii u dambeeyay.


Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni oo aan qarin doodiisa ku aadan inuusan u aqbalin sida go’aan looga gaaray arrimaha doorashooyinka iyo Dastuurka ayaa bannaanka soo dhigay in madaxweyne Xasan uusan katalogalin sida loo wajahayo arrimahaan, waxaana la ogeyn inuu kasoo qeyb galayo shirka la iclaamiyay.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo saaray warqad mariqaad ah oo loogu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay kasoo qeyb galaan shirka golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo Muqdisho ka dhacaya inta u dhaxeysa 21-ka -22 bisha April 2024.


Warqadda Martiqaadka ayaa lagu xusay in shirka looga hadlayo arrimo badan “Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhammaystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda martiqaadka ee madaxweynuhu uu u kala diray madaxda heer gobol.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan saxiixay wax ka beddel lagu sameeyey cutubyo ka tirsan dastuurka dalka, taasi oo Puntland ay ka hortimid, waxaana ay sheegtay in ay gabi ahaanba ay xiriirka wadashaqeynta ay u jartay dowladda federalka, taas oo keentay inuu kordho khilaafka labada dhinac.