U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Hey’adaha Caalamka Ugu Baaqay Iney Ka Qeybqaataan Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ku boorriyay hay’adaha maaliyadda caalamka in ay ka qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd maalgelin lagu horumarinayo kobcinta ilaha dhaqaalaha si ay taageero ugu noqoto dowladda Soomaaliya oo ka gudbaysa dhammaan marxaladaha deyn cafinta, wuxuuna sheegay in ay si dhow ula shaqan doonaan saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS “ Waxa aan si dhow ula shaqeyn doonaa dhammaan saaxibbada caalamka ee Dowladda Soomaaliya ku garabka taagan horumarinta nidaamka Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka”.

Wasiirka oo ka hadlay shirka Guga (Spring Meetings) ee hay’adda Lacagta Addunka iyo Baanka Addunka ee ka socda Magaalada Washington oo diiradda lagu saaray dhismaha hay’adaha maaliyadeed ee Caalamka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee dib u habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay geeddiga dib u habaynta dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya, halkii laga yimid, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha laga soo gudbay, dedaaladaas oo horseeday guushii dayn cafiska ee ay Soomaaliya hanatay iyo himillooyinka kale ee lagu raad joogo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane, Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sogan Magaalada Washington oo uu ka socdo shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo guud iyo kuwo gaar ahaaneed la yeeshaan hay’adaha iyo dalalka ka qayb galay shirkaas.