U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Xaqiijisay Geerida Talihii Ciidamada Qalabka Siday iyo Madaxweyne Ruto oo Ka Hadlay

Taliyihii ciidamada difaaca Kenya General Francis Ogolla ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee maanta dhacay, kadib markii ay qaraxday Hilikobter ay la socdeen 12 ruux oo taliyaha uu ku jiray.


Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa burburtay wax yar kadib markii ay duushay galabnimadii maanta Nairobi iyadoo ku dhacday Sindar oo dhacda galbeedka dalkaas, waxaana ku nafwaayay saraakiil sare ciidanka ka tirsan.


Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in taliyaha uu kusii jeeday booqdo ciidamada ku sugan gobolka Waqooyi Rift fali ee dalka iyo in uu kormeero dayactirka iskuullada gobolkaas ka socda, waxaana kadib dhacay shirkaasi.


Madaxweynaha oo ka hadlayay ayaa yiri “Aniga ahaan, anigoo ah taliyaha guud ee ciidamada Kenya, waxay waqti murugo leh u tahay walaalaha ciidamada Kenya, waana maalin nasiib darro weyn u ah guud ahaan qaranka,”.


“Dalkayaga hooyo waxa uu waayay mid ka mid ah jeneraalkeedii ugu geesisanaa. Waxa kale oo aanu waynay saraakiil, adeegayaal iyo haween aad u wanaagsan,” ayuu raaciyay hadalkiisa xilli uu la hadlayay shacabka dalkaasi.


Shirkaan diyaaradeed ee lagu waayay taliyaha kadib dowladaha Afrika ayaa bilaabay madaxdooda in ay durba madaxweyne Ruto iyo Kenya uga tacsiyeeyaan geerida ku timid taliyihii ciidamada difaaca dalkaas oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.