U bood dhigaalka

Dalalka G7 oo Ka Digay Khatarta MOU-ga Itoobiya iyo Somaliland iyo xiisadaha Geeska Afrika

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 oo ku kulmay Capri, Italy inta u dhaxeysay 17-19 ayaa walaac ka muujiyay xiisadda gobolka Geeska Afrika ka taagan iyo khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo toobiya, kaasoo ka dhashay is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Somaliland bishii Janaayo ee sanadkaan 2024.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay, shirkaan ayaa gogolxaar waxaa uu u yahay shir-madaxeedka soo aadan ee 13 June ka dhacaya Taliyanaiga, Itoobiya ayaa loogu baaqay ilaalinta midnimada Soomaaliya.

“Waxaan muujineynaa walaacayada ku saabsan heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Jannaayo 2024. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay horumarinta nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida Geeska Afrika” ayaa lagu yiri.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK, Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka xilligaan soo kabashada ah.

Qeyb kale oo ka mid ah qoraalka kasoo baxay ayaa lagu yiri “Waxaan bogaadinaynaa horumarka muhiimka ah ee ka socda hay’adaha, dhaqaalaha iyo amniga ee Soomaaliya. Waxaan ku dhiirigelineynaa maamulada Soomaaliyeed inay sii wadaan horumarada la taaban karo ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo xoojinta qaab dhismeedka dowliga”

Shir-madaxeedka wadamada G7 ayaa ka furmi doona Taliyaanida waxaana lagu wadaa in ay kasoo baxaan go’aanno ka adag kuwa hadda soo baxay oo ay macquul tahay in Itoobiya lagu cadadiyo ka noqoshada heshiiskii s-afgarad ay la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo 2024-ka.

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay gashay heshiiskaan waxaa ay dareemaysay cadadis kaga yimid caalamka, taas oo ay u dheer tahay in colaadaha iyo arrimaha kale ee gudaha ay yihiin kuwo aad looga cabsi qabo in ay sababaan arrimo banii’aadannimo sida dhowaan ay Qaramada Midoobay baahisay.