U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Turkiga

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka baarlamaanada dalalka Islaamka.

Xoghayaha Guud ee Golaha aqalka sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka warbixiyay safarka Guddoomiyaha iyo wefdigiisa, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir ay isugu imaanayaan Baarlamaanada dunida 26-28-ka bishan ka dhici doona dalkaasi Turkiga.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray inuu Guddoomiyuhu marti-qaad rasmi ah ka helay hoggaanka Baarlamaanka Turkiga, inta uu halkaa joogona uu kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda shirka ka soo qeyb-gaysa.

Safarka Guddoomiyaha Cabdi Xaashi ayaa imaanaya maalin ka dib kolkii uu Guddoomiyaha golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) iyo wefdi uu hoggaaminayaahi ay gaareen isla dalkaas.