U bood dhigaalka

27 Falastiiniyiin ah oo Lagu Dilay Rafax , Xilli Maanta Qaahira Israel iyo Xamaas ay Ku Shirayaan

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 27 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay oo ay ku jiraan caruur iyo haween badan weerarro habeenimo ah oo Israa’iil ay ku qaaday marinkaRafah, Saraakiisha Xamaas ayaa lagu wadaa in ay u safraan caasimadda Masar maanta ah si ay wadahadalo xabbad-joojin ah oo cusub uga yeeshaan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in 13 kamid ah  Falastiiniyiinta lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israil ku bartilmaameedsadeen saddex guri oo ku yaalla degmada Rafax ee Marinka Gaza, taas oo sii kordhisay xaaladda ka taagan Qaza iyo weerarrada aan joogsiga laheyn ee diyaaraha Israel wadaan.

Weerar kale oo ka dhacay dhanka waqooyi ee Marinka Gaza ayay ilaha caafimaadku sheegeen in dhowr qof lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay, kaddib marki ay madaafiicda Israil ku dhaceen laba guri oo ay dad rayid ah daganaayeen, Qaramada Midoobay ayaa ka dareyrinaysa xaaladda ka taagan marinka Qaza.

Weeraradan cirka ah ee ay ciidanka Israil u geysteen magaalada ay isugu tageen qaxootiga iyo xarumaha barakacayaasha Falastiiniyiinta Gaza ee Rafax, saacado yar ka hor inta aysan Qahira gaarin qaar ka mid ah madaxda ururka Xamaas, kuwaas oo dib u bilaabaya wadahadallada u dhaxeeya iyaga Israel ee soconaya.

Saraakiisha Dowladda Masar ayaa Axaddii shalay aheyd sheegay, in Isniinta maanta ah ay hogaamiyaasha Xamas imaa doonaan Qahira, si halkaasi looga sii amba qaado wadahadallo rajo laga rajo qabo in uu ka dhasho heshiis xabad joojin ah oo dhexmara Israil iyo Xamas si gargaar loo gaarsiiyo marinka Qaza.

Wadahadallada ayaa waxaa dhex dhexaadinaya Qatar, Masar iyo Mareykanka, waxaana lagu wadaa in xoghayaha arrimaha dibaddan Antonio Billiken uu qadka taleefanka uu kaga qeyb qaato Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Israel ku cadaadinaya aqbalidda xabad-joojin la gaaro si maxaabiista la isku dhaafsado.