U bood dhigaalka

Dowladda Ruusha oo Xabsiga Dhigtay Laba Wariye oo Lagu Eedeeyay Arrimo Xagjirnimo

Sheeko:Caalamka

Laba wariye oo Ruush ah ayaa loo xiray eedaymo la xariira xagjirnimo, waxayna wajahayaan eedaymo ah inay u shaqaynayeen koox uu aasaasay siyaasiga mucaaradka Ruushka Alexey Navalny, waxaana lagu eedeeyay arrimo dhowr ah.

Konstantin Gabov iyo Sergey Karelin ayaa lagu eedeeyay inay soo saareen warbixinno loogu talagalay kanaalka caanka ah ee Navalny ee YouTube-ka, ,kaas oo daabaca muuqaallo ku saabsan baaritaanno musuqmaasuqa oo uu Kremlin-ku dhibsaday.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa Navalny, oo ku dhintay xabsiga Arctic bishii Febraayo, iyo ururkiisaba u aqoonsaday xag-jir, Xubno ka tirsan kooxdiisana ayaa hore xabsiga loogu taxaabay.

Wariye Gabov ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa “diyaarinta sawirada iyo iyo xog la muuqaaleeyay oo kanaalka YouTube-ka lagu baahiyay, si ay sheegtay waaxda saxaafadda ee Maxkamadda Degmada Basmanny ee Moscow.

Gabov ayaa sii xirnaan doonaa illaa 27-ka June, waxayna Maxkamaddu waxay sheegtay in uu yahay soo-saare ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, taasoo ku howlanayd warbixinno aanu Ruushku jeclaysan tan iyo markii Moscow ay billowday duullaankeeda Ukraine bishii Febraayo 2022.

Wariye Sergey Karelin ayaa asna kasoo muuqday maxkamad ku taal gobolka Murmansk ee dalka Ruushka,27-kii bishan Abriil,waxaana lagu eedeeyay inuu ka qeyb-qaatay howlo xagjirnimo ah, waxa uuna hore uga soo shaqeeyay dhowr xarumood oo ay ku jiraan Associated Press (AP) iyo daabacaadda Jarmalka ee Deutsche Welle (DW), illaa DW laga mamnuucay Ruushka 2022.

Xukuumadda Moscow ayaa si adag u diidan warbaahinta dhanka reer galbeedka u janjeerta, waxaana dalkaas laga mamnuucay dhowr muuqaal baahiye oo lagu eedeeyay inay baahinayeen dacaayado ku saabsan dagaalka Ukraine.