U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Weerarkii Lagu Dilay Shaqaale Ka Tirsan Hormuud

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerar lagu dilay qaar kamid ah shaqaalaha Shirkadda Hormuud, kuwaas oo gaari ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka Muqdisho, iyadoo halkaas ay ku geeriyoodeen lix ruux oo la socotay gaariga weerarka lagu qaaday sida shirkaddu ay shaacisay.

Dowladda ayaa sheegtay in falkaan ay si adag u cambaareynayso” Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda ee ku aadan weerarka.

“Si gaar ah weerarka ay Khawaarijtu ku hayso ganacsatada Soomaaliyeed ee halbawlaha u ah umadda waa mid laga dheehan karo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda Khawaarijtu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed oo ay doonayaan in ay tirtiraan” ayaa sidoo kale lasii raaciyay bayaanka dowladda.

Gabagabadii dowladda ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay iyadoo kaashanaysa shacabka in Al-shabaab dalka laga saaro xilli muddooyinkii dambe ay dowladdu waday dadaallo loogu jiro sidii loo sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda oo ciidanku ay ku jiraan abaabul ay ka wadaan inta badan gobollada dalka.

“Dawladda Soomaaliya iyada oo kaashanaysa shacabka waxaa ka go’an in xididada loo siibo Khawaarijtaan, taas oo ah xalka kali ah ee inoo furan. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkeena sharafta badan in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Dawladda sidii loo ciribtiri lahaa” ayuu lagu yiri gabagabadii.

Hadalka kasoo baxay dowladda eek u aadan cambaareynta weerarkii lagu qaaday shaaqalaha ayaa kusoo aadaya xilli galinkii dambe ee shalay duleedka caasimadda weerar miino lagula eegtay shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaana falkaas ku geeriyootay lix ruux oo shaqaalaha shirkadda ahaa.