U bood dhigaalka

Weerar Looga Shakisan Yahay Koox Yuhuud Xagjir ah oo Lagu Qaaday Masjid Ku Yaalla Poland

Sheeko:Caalamka

Hogaamiyayaasha siyaasadda ee dalka Poland ayaa cambaareeyay weerar bambaano ah oo lagu qaaday macbad ku yaala magaalada Warsaw, weerarkaan ayaa la ogeyn sababta ka dambeysay iyo inuu yahay fal la xiriiro weerar Argigixiso.

Masjidka Nozyk ee ku yaal caasimadda ayaa lagu weeraray saddex qarax oo bambaanooyin ah subaxnimadii Arbacada, burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismaha, lamana xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi inta uu la egyahay.

Booliska ayaa sheegay in aysan cadeyn sababta ka dambeysay weerarka, lamana oga cidda ka dambeysay beegsigan ka dhanka ah goobta cibaado ee muslimiinta, balse waxaa loo aanaynayaa inuu xariir la leeyahay caro ka dhalatay dagaalka Qaza maadaama hore loo bartilmaameedsaday macbadyada yuhuudda ee dalkaas.


Madaxweynaha dalkaas Andrzej Duda ayaa weerarka ku tilmaamay wax laga xishoodo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, oo hore loo oran jiray twitter, wuxuuna intaa ku daray inaysan jirin meel loogu talagalay nacaybka qolo gaar ah oo Poland kamida.

Ma jirto cidda sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse waxaa la tuhunsanyahay in kooxo yuhuudda taageersan oo muslim naceybku ku weyn yahay ay ka dambeeyaan, sida ay jeegayaan ilo wareedyo laga helayo dalkaasi kadib weerarka dhacay.