U bood dhigaalka

Dowladda Kazakhstan oo Martigelineysa Wadaxaajood u Dhexeeya Dalalka Azebaijan iyoArmenia

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Kazakhstan, Kassym-Gomert Tokayev ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu marti-gelin doono wada xaajoodka nabadeed oo u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia, kaasoo lagu qaban doono magaalada Almaty.

Tokayev ayaa qoraal uu bartiisa X oo horay loo oran jiray twitter ku muujiyay inuu soo dhaweynayo is-afgaradka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee ku saabsan qabashada wada xaajoodka heerka wasiirrada arrimaha dibadeed ah oo loogu gogol xaarayo diyaarinta heshiis nabadeed oo u dhexeeya labada dal.

Wuxuu sheegay in wada xaajoodka lagu qaban doono magaalada Almaty iyadoo lagu saleynayo soo jeedinta dhanka Kazakhstan, balse ma aanu cayimin xilliga uu dhacayo wada xaajoodkaasi.
“Kulankan muhiimka ah waxa lagu qaban doonaa magaalada Almaty, waana sababta uu astaan ​​u leeyahay iyada oo la tixraacayo Baaqii taariikhiga ahaa ee Alma-Ata ee la saxeexay December 1991, kaas oo saldhig u ah horumarka madax-bannaanida ee waddamada Barwaaqo-sooranka” ayuu yiri Kassym-Gomert Tokayev.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa isku haya gobolka nagorno karabakh ayadoo ay dhowr xilli dagaallo waaweyni ka dhex qarxeen, kuwaa oo uu ugu dambeeyay kii ay 12 may sanadkii 2021 ciidamada labada dal isku fara saareen, ka dibna Armenia looga Itaal roonaaday oo gobolka intiisa badan laga qabsaday.