U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Sheegtay iney Dishay Xubnoood oo Al-shabaab Ka Tirsan

Laamaha amniga dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dileen lix xubnood oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasoo qorsheynayay in ay weeraro ku qaadaan magaalada Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen weerarro.

Booliska gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada dalka Kenya ayaa sheegay in Keymaha Booni uu ka dhacay howlgalkaan, islamarkaana lixda nin la dilay uu ku jiro nin ajnabi oo aan kasoo jeedin dalka Kenya una dagaalamayay Al-shabaab.

Waxa ay tilmaameen in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen qaraxyo iyo agab ay isticmaalaayeen kooxdaan oo ku dhex dhuumanaayay guri ka sameysan cooshado oo ku yaallo dhulka Keymaha ah, kadib weerar ay ku qaadeen ciidanku halkaasi.

“Tani waa guul weyn oo laga gaaray argagixisada iyadoo hay’adaha amnigu ay ka hor-yimaadeen Al-Shabaab oo qorsheynayay in weeraro ay u geystaan ciidanka amniga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska Kenya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay sheegtay dowladda Kenya in ay soo kordheen kooxaha doonaya in ay weeraro ka geystaan gobolada Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari.

Laamaha ammaanka ayaa weli ka feejigan sidii ay ula tacaali lahaayeen haraadiga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari si ay uga hortagaan qorshahooda ku wajahan Amniga Kenya.

“Dowladda waxaa ka go’an in ay la dagaalanto argagixisada nooc kasta oo ay tahay si Kenya looga dhigo mid ammaan ah oo barwaaqo ah” ayaa lagu yir mar kale warka kasoo baxay booliska Kenya.

Booliska ayaa ku dhiiriyay galiyay Shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta hay’adaha amniga si loola dagaallamo argagixisada iyadoo la wadaagayo macluumaadka ku saabsan falalka argagixisanimada.