U bood dhigaalka

Ciidamada Mareykanka iyo Ruushka oo Sigtay Iney Ku Dagaalamaan Galbeedka Afrika

Sheeko:Caalamka

Ciidan ka tirsan militariga Ruushka ayaa galay saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka ee Niger oo ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii madaxda militariga ee Niger ay go’aan ku gaareen in ciidamada Mareykanka laga saaro dalkaasi, Saraakiisha militariga ee hadda haya talada Niger ayaana bishii March u sheegay Washington inay kala baxaan ku dhawaad ​​1,000 ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkooda.

Kahor afgambigii militari oo dhacay bishii Luulyo ee sanadkii hore, Niger waxa ay ahayd saaxiib muhiim u ah Mareykanka oo dagaalka uu kula jira kooxaha ISIS iyo al-Qaacida ee gobolka Saaxil ee Afrika xulufo ugu ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhigga ciidamada cirka Niger, balse ay qalqal gelin ka sameeyeen goobta.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada Ruushka iyo Mareykanka ee jooga gudaha Niger ayaa kula sugan saldhigyo aad isugu dhow, xilli xariirka labada dal uu sii xumaanayo oo ay Washington taageerto Ukraine, Ruushkuna uu dagaal xooggan kula jiro.

Talaabadan uu qaaday Ruushka ayaa sidoo kale dhalinaysa su’aalo la iska weydiinayo halka ay ku danbeyn doonaan saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Niger ka dib markii uu ciimadiisa kala baxo dalkaas.