U bood dhigaalka

Muxuu Kaga Dhigan Yahay Guushii Soomaaliya ay Ka Heshay Shirkii Kusoo Gabagaboobay Gambia?

Wasiirka hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo qoraal dheer ka sameeyay Shirkii dalalka islaamka ee dhowaan lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Banjul ee dalka Gambia ayaa sheegay in Soomaaliya ay shirkaas ka heshay taageero wanaagsan oo wax ku ool ah.

Faallo uu soo dhigay degelkiisa uu mareegta Facebook-gu ku leeyahay ayuu ku yiri”Soomaaliya taageero wanaagsan ayay ka heshay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka oo xalay xilli dambe lagu soo geba gebeeyay Banjul.

Waxaa uu shirku qoraal ku taageeray nabadgelyada, xasilloonida, Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay Wasiirrada dalalka Islaamku ay qoraalkooda ku sheegeen in aanay aqbaleyn fal xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

Shirku isaga oo taageeraya xoojinta kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamka iyo Urur Goboleedyada wuxuu hoosta ka xarriiqay, taagerayna, murashaxnimada Fawzia Yusuf Xaaji Adan, oo ah murashaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika”.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, oo hoggaaminayay Ergada Soomaaliya, waxaa kulammo doceed uu si gooni ah ula yeeshay Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalal dhowr ah, waxayna kulammadaasi ku dhammaadeen is af garad.

Xubnaha wafdiga Soomaaliya oo qaar ay ku koobnaayeen galaangalka iyo taageerada murashaxnimada Fawzia, waxaa ka mid ahaa laba Wasiir oo hore oo Arrimaha Dibadda ah, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, wakiilka Soomaaliya ee Ururka dalalka Islaamka ah iyo diblomaasiyiin kale.

Berrito waxaa Banjul ka furmaya shir madaxeedka dalalka Islaamka”.