U bood dhigaalka

Saddex Dhallinyaro oo Loo Xiray Dilka Nin Kasoo Horjeeday Dowladda Hindiya

Sheeko:Caalamka

Saddex muwaadin oo u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu xiray dalka Canada, waxaana lagu soo oogay dacwado la xariira dilka hoggaamiyaha gooni-u-goosadka gobolka Sikh ee dalka Hindiya, kaasoo dhaliyay khilaaf diblomaasiyadeed oo weyn oo u dhexeeya labada waddan.

Hardeep Singh Nijjar, oo 45 jir ahaa, ayaa bishii June ee la soo dhaafay waxaa toogasho ku dilay rag wejiyada soo duubtay, xilli uu ku sugnaa goob mashquul badan oo baabuurta la dhigto oo ku taal xaafada Vancouver.

Khilaafka diblumaasiyadeed ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau uu ku eedeeyay in dowladda India ay ku lug leedahay.

Delhi ayaa si adag u diiday eedeynta.

Isagoo ku dhawaaqayay xiritaanka raggaan jimcihii, Kormeeraha Guud booliska Mandeep Mooker wuxuu sheegay in saddexda tuhmane ay kala yihiin Karan Brar, 22 sano jir , Kamal Preet Singh, 22 sano jir iyo 28 jir sano jir, Karan Preet Singh.

Dhammaantood waxay joogeen Kanada saddex ilaa shan sano, sida booliska ay sheegeen, Booliisku waxay intaa ku dareen in baaritaanada ay sii socdaa.

Booliska ayaa sheegay in laga yaabo in ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa dilka, waxaana dhici karta in ay jiraan dad kale oo la xiray ama lagu soo oogay dacwad.