U bood dhigaalka

26 Jir Lagu Soo Oogay 30,000 oo Dacwadood oo Lagu Xukumay Lix sano Xabsi ah

Sheeko:Caalamka

Aleksanteri Kivimäki, oo ah hacker ama jabsade Internet ka ah ayaa lagu soo oogay in ka badan 30,000 oo dacwadood oo ah isku day baad ka dib markii uu jabsaday mid ka mid ah xarumaha cilmi nafsiga ee ku yaalla dalka Finland.

Ninkaan ayaa lagu xukumay xukumay in ka badan lix sano oo xarig ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Kivimäki, oo hadda 26 jir ah, oo hore loogu yiqiin Julius iyo hackers-ka Zeekill, waxa uu caan ku in uu ka qeyb ka ahaa kooxda da’yarta ee Lizard Squad oo ah burcad baad dadka internetka uga qaada.

Maxkamad ku taal Finland ayaa ku xukuntay dhammaan eedeymaha la xiriira jabsiga xarunta Vastaamo, oo ah xarun cilmi nafsiyeed oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Helsinki, taasoo si rasmi ah loo shaaciyay 2020 markii Kivimäki uu bilaabay inuu baad ka qaado bukaannada gaarka ah isagoo ugu hanjabay inuu internetka ku daabacayo macluumaadkooda la xaday.

Isku soo wada duuboo waxaa lagu helay in ka badan 9,200 oo dacwadood oo ah faafinta macluumaadka ku xad-gudbay nolosha gaarka ah ee dadka, in ka badan 20,000 oo dacwadood oo isku day dil ah, iyo 20 dacwadood oo kale.

Hacker-ka ayaa lagu soo oogay dacwada bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, ka dib markii loo gacan geliyey Finland oo uu ka yimid Faransiiska.

Natiijadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday Vastaamo, oo billowday 2018, waxaa la xaday xogta bukaannada xasaasiga ah iyo sidoo kale xog maaliyadeed oo la sheegay in si been abuur ah loo adeegsaday.