U bood dhigaalka

Booliiska Australia oo Toogasho Ku Dilay Nin Isku Dayayay Inuu Weerar Geysto

Sheeko:Caalamka

Booliska dalka Australia ayaa sheegay in ay toogteen wiil yar ka dib markii uu nin mindi ku weeraray magaalada Perth ee galbeedka dalkaasi, weerarkaas oo ay mas’uuliyiintu ku sheegeen in ay leeyahay calaamadaha fal argagixisada.

“Wiilkan oo ahaa 16-sano jir ah ku hubeysnaa mindi ayaa laga xagjireeyay aaladaha kala duwan ee barahabulshada”.ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Galbeedka Australia Roger Cook..

Dhibbanaha oo 30 jir ah ayaa dhabarka laga tooriyeeyay isagoo ku sugan goobta baabuurta la dhigto ee dukaanka qalabka lagu iibiyo.

Maamulka ayaa sheegay in ay wicitaanno taleefoon iyo farriimo digniin ah ka heleen xubno ka tirsan bulshada Muslimiinta ee deegaanka ka hor inta uusan dhicin weerarka.

Weerarada mindida ayaa ku soo badanaya dalka Australia,labada todobaad ka hor ayayna ahayd kolkii kaniisad dalkaas ku taalla mindi lagu weeraray, ayna ku dhaawacmeen afar ruux.