U bood dhigaalka

Ciidanka Danab oo Howlgal Ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ciidanka kumaandoska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Amni ka sameeyay deegaanka Wayaanta ee gobolka Jubada hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland, howlaglkaan ayaan laga fuliyay deegaanno dhowaan laga saaray kooxda.

Ciidanka howl-galka sameeyay ayaa waxaa hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cumar shaafi Axmed,waxayna gaareen deegaanka cabdulle biroole iyo tuulooyin kale, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidanka ATMIS iyo kuwa Jubbaland.

Howl-galada amniga lagu adkaynayo waa maalmihii la soo dhaafay si joogto ah uga socday deegaanno badan oo dalka kamida, ayadoo dhowaan la filayo inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ururka Alshabaab.