U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Lagu Dilay Xubno Al-shabaab ah Ka Fuliyay Deegaannaada Koonfur Galbeed

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isgarabsanaya ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay qeybo kamid ah gobolka Baay, kadib markii ciidanku ay ku qaadeen weerar goob la sheegay iney ku sugnaayeen xubno Al-Shabaab ah.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Sarmaan Dheere oo ka tirsan Baay, sarakaiil ka tirsan xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay xuno kooxda ka tirsan halka kuwa kale nolosha lagu qabtay sida ay haldalka u dhigeen saraakiishu.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa maalmihii danbe howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ka waday gobollada dalka,iyadoo u jeedkoodu uu yahay sidii kooxda awoodeeda loo wiiqi lahaa, xilli ay dhinaca kale ciidanmku diyaargarow xooggan ugu jiraan qaaditaanka howallo cusub.