U bood dhigaalka

Diyaaradaha Israel oo Weerar Ku Dishay Afar Ruux oo Isku Qoys ah Gudaha Marinka Qaza

Sheeko:Caalamka

Ku dhowaad afar qof oo isku qoys ah ayaa ku naf waayay weerar ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil la beegsadeen xaafadda Al-Jaafra oo ku taalla magaalada Mays Al-Jabal ee dalka Lubnaan.

Sidoo kale duqeymuhu waxay geysteen burbur aad u ballaaran, waxaana xagga khasaaraha nafeed la xaqiijiyay 3 qof oo oo dhimasho ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ahaa dadka rayid ah.

Kooxaha gurmadka degdega ah iyo gawaarida ambalaasta iyo ayaa dadka dhaawacmey u daadgureeyay cisbitaallada aagga ku yaalla, iyadoo kooxaha difaaca madaniga ah ay sii wadaan baaritaanka iyo qaadista burburka iyagoo raadinaya mid ka mid ah dadka la la’yahay.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weerarro badan khasaare dhaliyay ka gaystay gudaha Lubnaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qaza 7-dii bishii oktoobar sanadkii hore ee 2023.