U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Israa’iil oo u Codeeyay Xiritaanka Howlaha Telefishinka Al Jazeera

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu golihiisa wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la xiro howlaha Al Jazeera ee Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay dowladdu soo saartay, kaasoo aan lagu caddeyn xilliga uu go’aanku dhaqan geli karo.

Codeynta golaha wasiirada ee Axadii ayaa timid kadib markii baarlamaanka Israa’iil uu meel mariyay sharci ogolaanaya in si ku meel gaar ah loo xiro Israa’iil.

Warfidiyeennada ajnabiga ah ee loo arko in ay khatar ku yihiin amniga qaranka inta lagu guda jiro dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Gaza.

Waxaa uu sheegay in Aljazeera ay ku howlaneyd kicinta Shacabka Yahuuda.

“Dowladda aan madaxda ka ahay waxay si wadajir ah u go’aansatay: Kanaalka kicinta ee Al Jazeera waa laga xiri doonaa Israel,” ayuu ku yiri barta X.