U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Dhameystiray Guddiga Doorashooyinka

Golaha wakiilada Somaliland ayaa goor dhow ansixiyay xubintii todobaad ee komishinka doorashooyinka taasoo ka dhigay in Somaliland ay bilaha soo socda ay u dareeri doonto doorashooyinka Madaxtinimada.

Siciid Maxamed Cismaan oo dhawaan ay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay usoo u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna uu u gudbyay baarlamaanka ka dib markii u saxiixay ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray gudiga .

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xubintaan ay ka dhigan tahay in maanta wixii ka dambeeya guddiga uu noqday mid la dhameystiray.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa horay ula daahay xubintaan sababo la xariira khilaaf ka taagnaa doorashooyinka Somaliland.

Dhamaystirka gudiga doorashooyika ayaa u muuqata mid loogu diyaar garoobayo doorashooyinka uu murankoodu soo jiitamay, haddase heshiis lagu yahay in ay dhacaan13-ka bisha Nufeember.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha sida weyn dad weynaha ay uga qeyb qaataan doorashooyinka marka la eego meelaha ay degan yihiin Soomaalida, iyadoona guud ahaan golayaasha deegaanka, Xildhibaanada iyo Madaxweynaha intaba ay soo doortaan shacabka.