U bood dhigaalka

Ruushka oo Ku Dhawaaqay Dhoolatuska Hubka Nukliyeerka Kadib Hanjabaado Uga Yimid Reer Galbeedka.

Sheeko:Caalamka

Ruushka ayaa sheegay in uu sameyn doono dhoolatusyo ay ku jiraan adeegsiga hubka nukliyeerka ah, maalmo kadib markii hogaamiyayaasha sare ee Yurub ay sheegeen in taageero militari oo xoogan ay siinayaan Ukraine.

Kremlin-ka ayaa sheegay Isniintii dhoolatuska milatari ee uu amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jawaab u ahaa hadaladii ka soo yeeray dalalka reer galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO ee ku saabsan in ciidamo loo diro dalka Ukraine.

“Waxay ku dari doonaan ku-dhaqanka diyaarinta iyo geynta hubka nukliyeerka ee aan istaraatiijiga ahayn ee loogu talagalay in lagu kordhiyo diyaargarowga… si loo fuliyo hawlaha dagaalka” ka dib “hadalada kicinta iyo hanjabaadaha saraakiisha reer galbeedka qaarkood”, ayay tiri Wasaaradda Difaaca.

Ciidamada istaraatiijiga ah ee nukliyeerka ee Ruushka ayaa si joogta ah u qabta dhoolatuska laakiin bayaanku wuxuu calaamadeeyay ku dhawaaqistii ugu horeysay ee dadweynaha ee dhoolatusyada ku lug leh hubka nukliyeerka ah.

Talaabadan ayaa muujineysa xiisadda sii kordheysa tan iyo markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu todobaadkii hore sheegay in dalkiisa uu ka fiirsan doono inuu ciidamo dhulka ah u diro Ukraine haddii Kyiv uu codsato gurmad.

Maalin ka dib, xoghayaha arrimaha dibadda UK David Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay hubka Britain u adeegsan karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka haddii ay rabto.