U bood dhigaalka

Tababarihii Argentina Ku Hoggaamiyay Ku Guuleysiga Koobkii Adduunka 1978-dii oo Geeriyooday

Sheeko:Cayaaraha

Tababarihii ugu horeeyay xulka qaranka Argentina ku guuleystay Koobka Adduunka ee horeeyay 1978-dii César Luis Menotti ayaa geeriyooday isagoo 85 jir ah, sida uu sheegay xiriirka kubada cagta Argentina ee AFA Axadii, tababarahaan ayaa soo maamulay kooxo ay ku jirto Barcelona.

Menotti, oo u soo ciyaaray kooxaha ay kamid tahay Rosario Central, Boca Juniors iyo Santos, ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay kooxda Newell’s Old Boys wuxuuna kula guuleystay horyaalkii Argentina Huracán 1973, ka hor inta uusan noqon tababaraha Argentina 1974kii.

Bayaan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa lagu shaaciyay geerida ku timid, xilli lagu yiri“Xiriirka Kubadda Cagta Argentine waxa uu ka qoomameynayaa in uu si murugo leh ugu dhawaaqo geerida César Luis Menotti,haddana ah agaasimaha xulalka qaranka” ayaa lagu xusay.

Menotti, oo ka tagay xulka qaranka ka dib Koobkii Adduunka 1982, ayaa u aaday inuu tababare u noqdo Barcelona, ​​halkaasoo uu kooxda ku hogaamiyay ku guuleysiga Copa del Rey 1983kii, xilli siweyn loogu xasuusto inuu ahaa hoggaamiyihii Argentina ku hoggaamiyay koobka Adduunka.

Menotti, waxa kale oo uu la soo shaqeeyay Atlético Madrid, kooxaha Argentine Boca Juniors, Independiente, River Plate, Penarol iyo Rosario Central, Sampdoria iyo laba kooxood oo Mexico ah, Puebla iyo Tecos, dunida ayuu ka tagay isagoo da’diisa ay tahay 85 sano sida lagu shaaciyay.