U bood dhigaalka

Ciidamda Israel oo Weerar Cirka iyo Dhulka ah Ku Qaaday Marinka Rafax ee Xadka Masar

Sheeko:Caalamka

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyay agagaarka marinka Rafax ee ee Qasa, iyadoo goobta laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada gumeysiga Israel iyo kooxaha Falastiiniyiinta.

Sidoo kale weerar dhulka ah ayay ciidamada Israa’iil halkaa ku qaadeen, ayadoo Warbaahinta falastiiniyiintu ay sheegtay in gawaari ay leeyihiin Israa’iil ay si weyn u rasaaseynayeen agagaarka marinka Rafax.

Kanaalka Wararka ee Masar ee Qaahira News Channel ayaa asna sheegay in Xamaas iyo Israa’iil ay is-rasaasayni ku dhexmartay meel u dhow albaabka Rafax ee laga soo galo ee dhinaca Falastiin.

Warbaahinta ayaa ku warantay in ciidamada guumaysiga Israa’iil ay si ba’an u duqeeyeen magaalada Rafah gaar ahaan dhinaca bari.

Weerarka ayaa ku soo aaday saacado yar ka dib markii ay Xamaas ogolaatay soo jeedinta xabad joojinta toddobo bilood ah oo ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyayaasha Qatar iyo Masar inkastoo Israa’iil ay sheegtay in hindisahaasi aanu ka jawaabayn dalabaadkeedii.

madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo khadka taleefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo madaxa sirdoonka Masar, Mr Abbas Kamel ayaa ku wargeliyay in xamaas ay diyaar u tahay heshiiska xabbad-joojin ah ee 7-da bilood ah.

Dhanka kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in heshiiska la soo jeediyay uusan buuxinin dalabaadka Israa’iil uuna u diri doono wafdi la kulmo dhinacyada wada xaajoodyada.

“In kasta oo soo jeedinta Xamaas ay ka fog tahay shuruudaha lagama maarmaanka ah Israa’iil, haddana Israa’iil waxay ergo u diri doontaa dhexdhexaadiyeyaasha si loo helo suurtagalnimada in heshiis lagu gaaro shuruudaha ay aqbali karto Israel,” ayaa lagu yiri hadal lagu daabacay barta x ee xafiiska Netanyahu.

Maamulka Israa’iil ayaa horay u sheegay in xittaa haddii heshiis xabbad-joojin ah la gaaro aanu ka baaqsan doonin weerarka marinka Rafax oo ah albaabka keliya ee qasa u furan.