U bood dhigaalka

Khasaare Kale Duwan oo Ka Dhashay Dabaq Ku Dumay Koonfur Afrika

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​50 kalena waa ay ku xayiran yihiin ka dib markii uu dumay dhismo ku yaalla Koonfur Afrika.

Kooxaha samata-bixinta ayaa aya ku howlan badbaadin dadka ku xanniban burburka hoostiisa ka dib markii ay ku duntay goob ay ka shaqaynayeen oo ku taal magaalo xeebeedka George, ee gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika.

Dhismahan oo ka kooban shan dabaq, ayaa waxaa uu dumay gelinkii dambe ee Isniintii, Wali lama sheegin sababta

26 ka mid ah 75 qof oo shaqaalihii dhismaha ee goobta ku sugnaa xilligii burburku dhacayay ayaa laga soo saaray subaxnimadii Talaadada, halka

Shan kalena la xaqiijiyay inay ku dhinteen.

49 qof weli la la’yahay, kuwaas oo la rumaysanyahay inay ku xayiranyihiin burburka hoostiisa, sida uu Colin Deiner, oo ah agaasimaha maareynta masiibooyinka koofur Afrika ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Samata-bixiyeyaasha ayaa hadda ku howlan qaadista sagxadaha kala duwan ee burburka , sida uu sheegay Agaasimaha maareynta Musiibooyinku.

dabaqyada dhaadheer ayaa ku soo badanaya qaaradda Afrika, balse waxaa ku lammaan khasaare nafeed oo in badan soo gaarta shaqaalaha dhismaha ku howlan,taasoo loo aanaynayo xirfad xumo iyo la’aanta qalabka casriga ah ee dhismaha. Goobjoog.com