U bood dhigaalka

Maxaa Laga Fasiran Karaa Hadalkii Nairobi uu Ka Jeediyay Ra’iisulwasaare Xamse ee Ku Saabsanaa Doorashada?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul wasaaraha oo khodbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka qeyb-galeen bulshada kala duwan ee Soomaaliya ku dhaqan Kenya ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay guulo wax ku ool ah gaartay intii ay xilka haysay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay qabteeni ahaayeen kuwo uu Dastuurka dalku xeerinayo oo hab sharci ah loo maray, isla kolkaana ay go’aan sadeen inaanay waqti ku lumin is riix riix siyaasadeed iyo ismaan-dhaaf waxqabadka dowladda dib u dhaca u keeni kara.

Wuxuu intaa ku daray inaan wax guul ah laga gaari karin dadaal walba oo dib u dhiska dalka iyo horumarinta ku saabsan haddii aan la helin amni iyo xasillooni siyaasadeed.

Dhanka kale wuxuu si qoto-dheer dheer uga hadlay arrimaha doorashada iyo qorshaha ay Xukuumaddiisu ka leedahay, asagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go’antahay inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, lagana guuro hannaankii hore ee Baarlamaanku madaxda u dooran jiray.

” waxaa naga go’an inaan meesha ka saarno nadaamyadii hore ee doorashada, kuwaas oo abuuri jiray kala irdhow iyo kala qeybsanaan bulsho, kuna badalno nadaam doorasho oo ay dadku ayagu dadka matalaya si madax-bannaan oo daahfuran u soo doortaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Sidoo kale wuxuu tibaaxay in doorashooyinkii hore ay ku tartami jireen beelo iyo reero, balse hadda la doonayo in dadka soomaaliyeed ay codkooda ku soo saartaan cidda matalaysa.

HADDABA DOORASHO QOF IYO COD AH LAGU HIRGELIN KARAA MUDDADA U HARSAN XUKUUMADDA HADDA JIRTA?.


Inkastoo hadalada iyo dadaalada madaxda sare ee dalka laga dheehan karo go’naanta inay doorashada qof iyo cod ah qabtaan, islamarkaana ay dhowr jeer horay u sheegeen inaan dib loogu noqan doonin teendhadii madaxweyneyaasha lagu dooran jiray ee Afisyoone, haddana waxaa jira caqabado badan oo ku gadaaman nadaamkaas doorasho sida ay khubaradu rumaysanyihiin.

Caqabadahaas waxaa kamida dagaalka Alshabaab oo aan weli la soo afjarin, dhamaystirka Dastuurka dalka, khilaafka Puntland, iyo wada hadallada soomaaliland.

Xallin arrimahaas ayaa ka horreeya doorashada qofka iyo codka ee ay madax iyo bulshaba dadka soomaaliyeed ku taamayaan, balse madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaa ka muuqata niyad same iyo ka go’naan ay nadaamkii hore mid dhaama ku doonayaan sida ay qabaan xeeldheereyaashu.

Si kastaba ha ahaatee doorasho qof iyo cod ihi waa yoolka iyo himilada muwaadin kasta oo soomaali uu jecelyahay in mar uun ay dalka ka hirgasho.