U bood dhigaalka

Xubin Sare oo Ka Tirsan Al-Shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda ee Degmada Xarardheere

Horjooge Siidoow Cali Ibraahim oo ka tirsanaa Al-shabaab ku sugnaa  koonfurta Gobolka Mudug ayaa xalay iska dhiibay degmada Xarardheere ee gobolkaasi, xilli uu ciidanka xiriir lasoo sameeyey si uu isku soo dhiibo.

Siidow ayaa soo dhoweyn kala kulmay ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan magaalada, isagoo ku biirayo xubno Shabaab ah oo mudooyinkii dambe iskasoo dhiibayay deegaanno  lamid ah Galmudug, kuwaas oo kusoo biiray dhanka dowladda Muqdishana loosoo gudbiyay si loogu dhaqanceliyo.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Anas, ayaa mar soo noqday horjoogihii kooxda ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa tiro kamid Al-shabaabka ku sugan Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay xubnaha ka tirsan kooxda ee isku soo dhiibaya dhinaca dowladda, xilli deegaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay iska dhiibeen tiradii ugu badneyd oo Al-shabaab ka tirsan.