U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Deegaanka oo Galmudug Ku Qabtay Shidaal Sharci Darro ah oo u Socday Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug iyo ciidamo ka baxay Degmada Ceeldheer ayaa degaanka Howdleey ku qabtay shidaal sharci darra ah oo loo waday kooxda Alshabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in shidaalku gaarayo 50 fuusto, islamarkaasna ay wadaan baaritaan.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dhaqdhaaq xoogan oo ay ciidanka dowladdu ka wadaan gobolada dalka, ayadoo la filayo inuu dhowaan bilowdo wajiga labaad ee dagaalka lagu jiro kooxda Alshabaab oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Shiikh.