U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ku Booriyay Maalgadhiga iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka ay Wadaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay maanta Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo. Wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin lahayd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, ayaa hadal uu ka jeediyay sku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi , isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, bankigiisuna diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsigooda iyo riyadooda maalgeshi oo guulaysata.