U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Kulan La Qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga

Sheeko:Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Somaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Almuwallad.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashi u dhexeeya labada dal, isagoo uga mahad celiyay kaalinta walaaltinimo ee boqorotooyadu ugu jirto shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo guulihii ay gaartay Dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka aragaxisada, ku biiritaankii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, dayn cafinta iyo ansaxinta afarta cututb ee ugu horraysay Dastuurka KMG ah.